Somalia oo laga helay kiiskii 2-aad oo corona ah (Dib u furista duullimaadyada oo…?

0

(Muqdisho) 26 Maarso 2020 – Somalia ayaa xaqiijisay kiiskii 2-aad oo ah COVID-19 kaddib markii mid ka mid ah dadkii la karaantiilay cudurka laga helay.

Wasiirka Caafimaadka Fawsiya Abiikar ayaa maanta sheegtay in kiiskan xalay la helay, iyadoo tilmaantay in bukaankani aanu muujinin wax astaamo ah, sida qandho, neefta oo dhibta ama qufac.

Somalia ayaa diiwaan gelisey kiiskeedii 1-aad bishan, iyadoo qaadday tillaabooyin ay ka mid yihiin joojinta duullimaadyada caalamiga ah iyo xirista goobaha waxbarashada.

Yeelkeede, wax tillaabooyin ah laguma soo rogin dhanka isu imaatinka dadwaynaha, sida ka dhacday dalal uu la degey COVID-19, waloow ay Somalia ka mid tahay dalalka aadka u hooseeya dhanka kiisaska.

DF Somalia ma aysan sharrixin inay arrintan sabab u tahay labadii maalmood ee ay dib u fureen duullimaadyada caalamiga ah oo uu qofkani todobaadkan yimid, maadaama ay qireen inuu qofkani ka yimid dibedda.

Dalalka deriska ah ayuu cudurku kusii baahayaa, iyadoo Kenya ayaa hadda mareeysa 28, halka ay Itoobiya mareeyso 12.

Hadalsame Media