”Qof kasta waa inuu ku faanaa guusha ay Somalia gaartey” – QM oo ka hadashay faa’iidada ku jirta qaan dhaafista

0

(Muqdisho) 26 Maarso 2020 – James Swan, Madaxa QM ugu qaybsan Somalia (UNSOM), ayaa sheegay in maadaama la gaarey marxaladda “go’aan gaarista” qaan dhaafka Somalia oo qayb ka ah Mubaarada Dalalka Aadka u Daymaysan (HIPC), ay Somalia gaartey guul taariikhi ah oo horseedi karta bash bash iyo baraare.

“Guusha Somalia ee mubaadarada go’aan gaarista HIPC waa tillaabo aad u wayn oo Somalia u keenaysa horumar dhaqaale, taasoo dalka u saamaxaysa inuu u dhaqaaqo dhanka kobaca dhaqaale iyo dhimista faqriga,” ayuu ku yiri war uu soo saaray.

“Soomaalida oo dhami waa inay guushan ku faantaa,” ayuu daba dhigay.

Tillaabadan ayaa Somalia u saamaxaysa in laga daayo qaan badan – oo gaaraysa $5.2 bilyan oo doollar – xilli ay isu diyaarinayso doorasho qof iyo cod ah dabayaaqada sanadkan, waloow ay jiraan caqabaad aadminimo, oo ay 5.2 milyan kaalmo u baahan yihiin, weerarrada kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo ayaxii ugu aguugnaa muddo 25 sano ah oo kusoo duuley, ayaa la daba dhigay.

Qaan cafin caalami ah: World Bank, IMF 

Go’aanka Somalia laga gaarayo ayaa waxaa sidoo kale barbar socda baaq kale oo ka yimi World Bank Group (WBG) iyo IMF kuwaasoo soo jeediyey in sidoo kale qaamaha laga cafiyo dalal gaaraya 76 oo ah kuwa ugu faqrisan caalamka.

Qaamaha dalalkaa loo dhaafi karo oo ah kuwa laba-geesoodka ah ee ay laba dhinac kala qabaan, ayaa looga gol leeyahay inay lacagihii ay qaamahaa ku bixin lahaayeen u weeciyaan kabka hoos u dhaca dhaqaale ee uu keenay caabuqa faafa ee COVID-19.


Hadalsame Media