Madaxwaynaha Galmudug oo maanta bilaabaya qorshe ka mid ah muhiimadaha ugu waawayn maamulkiisa

0

(Dhuusamareeb) 26 Maarso 2020 – Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in ay meel wanaagsan mareeyso waan waan wax la iskugu jiidjiidayo.

Waxaa maanta la filayaa in wafdi ballaaran oo isugu jira Xildhibaano, Wasiiro ay gaaraan magaalada Gaalkacyo ee caasimadda Gobolka Mudug, qaybteeda Galmudug.

Wefdigaan ayaa ka kala tagi doona Muqdisho iyo DhuusaMareeb waxayna marka hore kulamo la yeelan doonaan Madaxweynihii hore ee Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Warka ayaa intaa raacinaya in wefdigani aya gogol xaar u noqon doonaan qorshe uu Gaalkacyo ku tegayo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo lagu wado in uu si gaar ah ula kulmo Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Hadalsame Media ayaa fahamsan in MW Galmudug uu ku talo jiro inuu dhameeyo khilaafaadka yar yar ee jira qaarkood, kahor inta aanay dhicin xafladda caleema saarka.

Hadalsame Media