Dekedda Berbera oo lagu xirayo qalabkii ugu casrisanaa (Heshiis dhacay)

0

(Dubai) 26 Maarso 2020 – Sharikadda Liebherr Container Cranes iyo DP World Berbera ayaa kala saxiixday qandaraas la sheegay in 8 wiish oo ah kuwa waawayn ee RTGs lagula xirayo dekedda Berbera, ee maamulka Somaliland.

Wiishaskan ayaa lagu wadaa inay si rasmi ah u howl galaan dabayaaqada sanadkan 2020.

Wiishashkan oo uu bandhiggoodu aad u sarreeyo isla markaana nafto ku shaqeeya ayaa sida ugu hufan u dejin kara ama u rari kara canaabta culus sida konteenarrada, iyagoo wax saari kara ama ka dejin kara dherer dhan 5 konteennar oo isa saaran.

Wiishashka oo ku shaqeeya hannaanka DGPS oo ka caawinaya inuu bar garto goobta bartilmaameedka, ayaa kayballo ku shaqeeynaya iyagoo qaadi kara culays kasta, waxaa kale oo ku xiran kaameerooyin iyo laysar ka hor tegaya isku dhacyada.

Waxaa ku xiran agabka amaanka Yurub ee ay samayso Liebherr sida barnaamijka DiaMon3D oo ka caawinaya in cilladaha la fahmo lana cillad bixiyo.

Dekedda Berbera ayaa horraanba haysata 3 wiish oo  Liebherr LHM 420 ah, kuwaasoo ah kuwa yar yar ee socda oo howlgalay horraantii 2019-kii, iyadoo ay wiishashka cusubi qayb ka yihiin wejiga 1-aad ee ballaarinta dekedda oo ay ka mid tahay in dekedda lagu daro khoorka ay maraakiibtu soo galaan kuna xirtaan oo 400 mitir ah iyo 250,000 mitir oo jibbaaran² oo oogada kale ee dekedda ah.

Heshiiska Dekedda Berbera ay kula wareegtey DP World oo ay iskula dheceen Somalia oo qabta in lagu xad-gudbey madax bannaanideedii iyo Imaaraadka ayuu weli muran ka taagan yahay, iyadoo Imaaraadka lagu dhaliilo inay dekedaha gobolka ula wareegayaan, si aanay ula tartamin kuwooda.

Yeelkeede, haddii wiishashkan lagu xiro Dekedda Berbera waxay noqonaysaa dekedda qura ee Somalia ku taalla ee adeeggaa leh.

Hadalsame Media