Walaac laga muujiyey Somaliland oo balanbalo ku karaantiishay dad looga shakisan yahay caabuqa corona + Sawirro

0

(Hargaysa) 25 Maarso 2020 – Maamulka Somaliland ayaa ku dadaalayey inuu khilaafo xayiraadda ay soo rogtey DF Somalia ee caabuqa corona kaasoo dhaqan galay 19-kii bishan, balse ay dib u furtay 2 maalmood.

Waxaa lasoo sheegayaa inay Hargaysa ka degeen dad  badan oo loo sheegay in la karaantiilayo maadaama ay ka yimaadeen dalal uu ka jiro caabuqa cudurka corona.

Waxaa haddaba dhacday in dadkii la sheegay in la karaantiilayo la geeyay meel balambalo ah oo dusha ka furan, taasoo kasoo horjeedda nidaamka karaantiilka.

Ma cadda inuu maamulku qorshaynayo inay dadkan marka dambe geeyaan goob u qalanta karaantiil, iyo in kale, balse waxay dadku walaac ka muujiyeen in dadka qaabkan loo karaantiilo, taasoo aan ku fiicnayn iyaga iyo bulshada kaleba.

Hadalsame Media