DABA-GAL: Maxaa ka jira inuu Ruushku jidadka ku daayey Libaaxyo & Dhurwaayo?!

0

(Moscow) 25 Maarso 2020 – “MW Putin ayaa sii daayey 800 oo Libaaxyo iyo Dhurwaayo iskugu jira, si dadka loogu khasbo inay guryaha joogaan,” ayuu u akhrismayaa cinwaanka sheeko lagu faafiyey Facebook oo dhanka Nigeria ah.

Yeelkeede, waxaa sheekadan u dhabba galay Africa Check. Sheekadan oo lagu daabacay Musbizus Blog, oo ah baloog Nigerian ah, taasoo la daabacay 21-kii Maarso.

Kaddib markii la baaray libaaxa jidka maraya, waxaa lasoo helay inuu yahay film lagu jilayey Johannesburg, South Africa, 2016-kii.

Waloow uu wax ku qariyey baloogga Musbizus Blog, mina magaca jidka “Jorissen” waxaa laga arki karaa geeska bidix ee sawirka la dhigay Facebook, dadka maxalliga ihina waa yaqaannaan jidka Jorissen Street ee Johannesburg oo ku yaalla xaafadda Braamfontein.

Sidaa darteed ma jiro libaax maraya jid Ruushka ku yaalla, adigoo sidoo kale arki kara jidka la sheegayo adigoo isticmaalaya Google Map.

Tan 2-aad ee kuu xaqiijin karta beentani waxay tahay, ma jirto hay’ad warbaahineed oo wayn oo warkan werinaysa, xitaa kuwa Ruushka sida RT, Moscow Times iwm.

Hadalsame Media