DF Somalia oo heshay shaybaar casri ah oo lagu baaro caabuqa corona + Sawirro (Dayuurad goor dhow soo degtey)

0

(Muqdisho) 24 Maarso 2020 – Waxaa goor dhowayd magaalada Muqdisho soo caga dhigatay dayuurad ay leedahay Ethiopian Airlines oo sidda shixnad gargaar ah.

Shixnaddan oo xilligan asaasi ah isla markaana ka timid dhanka Dawlada Shiinaha oo soo gaarsiisey Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah qalab sheybaar oo casri ah.

Waxaa kale oo ka mid ah waxyaabo lagula tacaalo cudurka halista ah ee dunida halakeeyey ee Caronavirus oo aan weli wax dawo ah loo haynin kaalmaati mooyee.

Agabkan ayaa waxaa ka gudoomey Dawlada Shiinaha Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Oomaar.

Waxaa sidoo kale goob ahaa Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Itoobiya, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji (Cameey).

Hadalsame Media