WAR CUSUB: RW Jarmanka ee Angela Merkel oo la karaantiilay! (Dhakhtarkeedii oo buka)

0

(Berlin) 22 Maarso 2020 – RW Jarmanka ee Angela Merkel ayaa la karaantiilay kaddib markii laga war helay in dhakhtar tallaal siiyey laga helay caabuqa coronavirus.

Afhayeenka Merkel ayaa sheegay in hoggaanka Jarmanka loo sheegay in dhakhtarka cudurka laga helay in yar uun kaddib mar ay shir jaraa’id qabatay maanta, kaasoo ay kaga hadleysey tillaabooyin cusub oo lagaga hor tegayo faafitaanka caabuqa.

Afhayeenka Steffen Seibert ayaa sheegay in Merkel Jimcihii la siiyey tallaal ka hortag ah oo laga gaashaamanayo cudurka qaar jeexa.

Seibert ayaa intaa raaciyey in Merkel, 65-jir, ay mari doonto “tijaabooyin joogto ah” maalmaha soo socda iyadoo shaqadeeda kasii wadanaysa gurigeeda.

Hadalsame Media

Facebook Comments