Safaaradda Somalia ee Nairobi oo waqti dheeraad ah shaqaynaysa (Hal arrin oo aan la ogayn)

0

(Nairobi) 22 Maarso 2020 – DF Somalia ayaa shalay laba maalmood dib u furtay duullimaadyada caalamiga ah, si bay tiri ay u kala socdaan dadka xayiran ee baxaya ama soo gelaya dalka.

Haddaba, Safaaradda Somalia ee dalka Kenya ayaa sheegtay inay maanta oo Axad ah xitaa shaqaynayso, si ay dadka Soomaaliyeed uga helaan waraaqaha ay u baahan yihiin.

”Dowladda Federaalka Soomaaliya markii ay aragtay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran garoommada diyaraadaha dalal badan oo caalamka ah, waxa ay go’aamisay in labo maalin dib loo furo duulimaadyada caalamiga ah ee aadaya Soomaaliya si dadkaas xayiran ay dalkoodii dib ugu laabtaan,” ayuu u qoran yahay war kasoo baxay Safaaradda, gaar ahaan Qunsulka Xabiib Maxamed Cigaal.

”Hadaba Safaaradaddu waxa ay dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Kenya ogaysiinaysaa in duulimaadyadii Mugdisho furan yihiin muddadaas, qofkii doonaya in uu dalka aado na uu ka faa’iideysan karo.

”Sidoo kale, qaybta Qunsuliyadda ee Safaaradda ayaa shaqayn doonta maalinta Axadda ah si aad uga heshaan Warqadaha Dal-ku-galka (Go Home ). Waxaad nagala soo xiriir kartaan 0700 203 119.” ayay daba dhigeen.

Lama oga inay adeegyada yar yar ee ay qabanayaan ay lacag la’aan ka dhigayaan, ama ay tahay fursad kale oo lacag samayn ah.

Hadalsame Media