RIYAAD, Qaar ka mid ah tuugo qaab la yaab leh kharash badan uga dhacay mashiin lacag qaad ah oo la qabtay (Dalalka ay u dhasheen)

0

(Riyaad) 22 Maarso 2020 – Booliiska Sucuudiga ayaa xabsiga dhigay 5 ka mid 11 tuug oo ku eedaysan inay jabsadeen mashiinka lacag qaadka ah (ATM) ee Bankiga Arab National Bank faraciisa degmada Al-Jazirah oo ku taalla koonfurta caasimadda dalkaas.

Nimankan ayaa dhacay lacag kaasha ah oo dhan SR1.4 milyan oo Riyaalka Sucuudiga ah ($373,333 doollar).

6 ka mid ah raggan oo ah tuugada heerka sare ah ee agaasiman ayaa ka baxsaday Sucuudiga kaddib dhaca Bankiga oo ku beegnaa 15-kii Febraayo, iyagoo la fakaday nus milyan Riyaal (SR500,000), sida uu sheegay afhayeenka Booliiska Riyaad Gaashaanle Shaker Bin Suleiman Al-Tuwaijri.

Qaybta dembi baarista Sucuudiga ayaa bar gartay raggan, kuwaasoo ay ku jiraan 4 Masaari ah, mid Bulgarian ah, mid Russian ah, oo ay wehliyaan 3 Sucuudi ah iyo mid Yamai ah.

Ragga la qabtay ayaa lala hayaa gaari ay ku wateen SR700,000 oo Riyaalin, iyadoo la raadinayo 6-da kale iyo kaasha ay la baxsadeen, sida uu sheegay Al-Tuwaijri.

Hadalsame Media