Caabuqa corona oo ku dhacay qofkii ugu caansanaa ee Soomaali ah + Sawirro

0

(Albuquerque, New Mexico) 22 Maarso 2020 – Xaaska Idris Elba ee Sabrina Dhoorre ayaa waxaa laga helay caabuqa coronavirus, todobaad uun kaddib markii odaygeeda laga sheegay.

Iyadoo difaacaysa go’aanka ay kula sii joogtey kaddib markii cudurka isaga laga helay, waxay Oprah Winfrey u sheegtay ”inay dareentay waajib xaasnimo, si ay u daryeesho ninkeeda” markii uu jirradey.

Labadooda ayaa iskula karaantiilan gobolka New Mexico, halkaasoo uu Elba ku jilayo film-kiisa cusub, waxayna u warrameen barnaamijka cusub ee Winfrey waddo ee Apple TV+ ka baxa ee Oprah Talks.

”saaka ayaan ogaadey in aan cudurka lafteeydu qabo,” ayay Sabrina shalay hannaanka Facetime ugu sheegtay barnaamijka.

Sabriina waxay noqonaysaa qofkii Soomaali ah ee ugu caansanaa ee cudurkani ku dhoco, tan iyo markii uu dabayaaqadii Diseembar ka bilowday magaalada Wuhan ee gobolka Hubei ee Shiinaha.

Hadalsame Media

Facebook Comments