Paolo Maldini & wiilkiisa, Paolo Dybala & laacibiin caan ah oo laga helay cudurka corona (Talyaaniga oo maydkii loo dhiibayo millateriga)

0

(Milano) 21 Maarso 2020 – Maareeyaha Farsamada AC Milan, Paolo Maldini iyo wiilkiisa Daniel ayaa labadaba laga helay caabuqa Coronavirus, sida ay ku dhawaaqday kooxda Rossoneri.

“AC Milan waxay xaqiijinaysaa in Paolo Maldini, uu taabtay qof cudurka qaba, isna uu haatan muujinayo astaamaha Coronavirus. Wiilkiisa Daniel oo da’yarta u safta ayaa isna cudurka laga helay,” ayuu u akhrismaysaa farriin lasoo dhigay bogga AC Milan.

Daniel waa 18-jir bishii tagtay noqday jiilkii 3-aad ee qoyska reer Maldini oo u safta kooxda AC Milan dhanka Serie A.

Paolo oo 51 jir ihi wuxuu halyeey u yahay kooxda AC Milan oo uu kaligeed ku dhamaystey waayihiisa ciyaareed, isagoo daafaca dadabka bidix iyo dambeedka dhexeba uga soo ciyaarat, kahor intii aanu fariisan 2008-dii, isagoo dib usoo laabtay 2018-kii oo uu maamulka ku biiray.

Waxaa sidoo kale cudurkan laga helay jookarka Juventus ee Paulo Dybala iyo saaxiibtiis Oriana, oo ku biiraya laacibiinta Daniel Rugani iyo Blaise Matuidi.

Dalka Talyaaniga ayaa guud ahaan iminka noqday halka ugu daran guud ahaanba caalamka, iyadoo ay maanta oo qura halkaa ku dhinteen 793 qofood, halka ay kiisaska cusubi gaarayaan 6,557 oo qof.

Magaalooyinka qaar ayaa maydkii aasi kari waayey oo u yeerey Ciidamada Xoogga oo gobollo kale u daabulaya maydadka.

Hadalsame Media