Ingiriiska oo ay geeridu maanta cirka isku shareertay & wararkii ugu dambeeyay + Sawirro

0

(London) 21 Maarso 2020 – Dhimashada caabuqa corona ee dalka UK ayaa cirka isku shareertay iyadoo ay maanta gaartey tiradii ugu badnayd tan iyo bilowgii oo ah 56 qof, taasoo tirada guud ka dhigaysa 233 qof.

Qofka ugu yar ee cudurkan ilaa iminka ugu dhintay dalka Ingiriiska waa 41-jir, iyadoo ay kiisaska guud ee UK oo dhami marayaan 5,018.

Dhamaanba dhibanayaasha cudurka ugu dhintay Ingiriiska waxay qabaan cudurro kale, waxaana ugu da’ wayn 94-jir.

Guud ahaan Britain, Gobolka Wales waxay geeridu marausaa 5, Scotland waa 7, halka Northern Ireland uu hal qofi ku dhintay.

Dowladda Britain ayaa dadka kula dardaarantay inay guryaha joogaan, isla markaana ay joojiyaan inuu qofku iibsado in ka badan inta uu u baahan yahay, isagoo sidaa ku qadinaya dad kale, taasoo uu hab-dhaqan ceeb ah ku tilmaamay Wasiirka Degaanka George Eustice oo sheegay inay taallo cunto dadka ku filan.

Hay’adda Caafimaadka Qaranka NHS ayaa maanta qoratay in ka badan 20,000 oo shaqaale ah, iyadoo qandaraasyo la gashay isbitaallada gaarka ah, si loo adeegsado sariirohooda.

Hadalsame Media