DF Somalia oo 2 maalmood fasaxday duullimaadyada caalamiga ah

0

(Muqdisho) 21 Maarso 2020 – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo goordhow la hadlay Radio Muqdisho, ayaa sheegay in si ku meel gaar ah loo fasaxay duulimaadyada caalamiga ah ee imaanaya dalka muddo laba maalmood ah, sida lagu faafiyey warbaahinta DF.

Tillaabadan ayaa loogu dhaqaaqay si loo soo qaado mawaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran garoomada diyaaradaha dalalka Caalamka kadibna uu sii socon doono go’aanka xayiraada duulimaadyada caalamiga ah si looga hortago cudurKa COVID19

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka jawaabeyso cabasho muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran qaar ka mid garoomada wadamada caalamka islamrkaana si ku meel gaar ah loo fasaxay duulimaadyada muddo labo maalmood ah.

Hadalsame Media