UEFA oo ka fikireeysa inay hakiso hannaanka dhaqaale wanaagga FFP (Kooxo ka faa’iidaysan kara)

0

(Nyon) 20 Maarso 2020 – Caabuqa faafa ee Coronavirus ayaa hubaashii durba yeeshay saamayn dhaqaale, kubadda cagtuna kama soocna oo waxaa la saadinayaa inay kooxuhu khasaari doonaan malaayiin doollar oo kasoo geli lahayd TV-yada iyo tigidhada garoomada.

Yeelkeede, UEFA ayaa si kooxaha canaabta uga kala dhinto waxay ku talo jirtaa inay si KMG ah u hakiso hannaanka dhaqaale wanaagga Financial Fair Play, si ay kooxuhu u helaan xornimo ay suuqa uga soo adeegtaan iyagoo aan gadaal ka cabsanayn.

Sida ku dhigan Gazzetta dello Sport (via calcioefinanza.it), UEFA ayaa laba guddi u saartay inay ka baaraan degaan laba tillaabo oo la qaadi karo oo ay middood tahay in gebi ahaanba la hakiyo FFP, midda kalena waa wixii laga yeeli lahaa dhibaatooyinka dhaqaale ee soo baxaya, tusaale ahaan, waxaa gebi ahaanba shalay musalliftey FC Sion.

Dadka ku doodaya in si KMG ah loo laalo FFP, waxay tusaale usoo qaadanayaan tillaabo uu Midowga Yurub ku hakiyey xeerka Stability Pact oo sharciyeeya qaamaha ay qabaan kooxaha xubnaha ka ah.

Tillaabada ay UEFA ka fikireeyso waa in aan kooxaha loo qabanin wixii qaamo ah oo yimaada fasalka 2019/20, waloow aan gebi ahaanba la wada joojinay oo fasalka xiga lasoo celin karo.

Kooxo badan oo kaash haysta, balse uu ku dhegnnaa hannaankan ayaa ka faa’iidaysan kara, haddii ay tillaabadani dhaqan gasho.

Hadalsame Media