Maraykanka oo DUQAYN ku laayey dad rayid ah (Muuqaal naxdin leh)

0

(Jannaale) 20 Maarso 2020 – Duqayn loola dan lahaa kooxda xag-jirka ah ee al-Shabaab ayaa lagu laayey dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur iyo cirroole, sida ay ehelada dadkaasi u sheegeen xildhibaan ka tirsan Baarlamanka oo la hadlay The Intercept.

Taliska Maraykanka ee Africa Command ayaa shir jaraa’id oo uu soo saaray isla maalintii ay duqayntani dhacday ku sheegay inay agagaarka Jannaale, oo 60 mayl u jirta caasimadda Muqdisho ay ku dileen 5 qof oo “argagixiso ah” isla markaana aanu jirin waxyeello rayidka gaartey.

Yeelkeede, Farxaan Maxmuud Maxamed, oo ka tirsan dadka deggan Jannaale oo telefoonka kula hadlay The Intercept ayaa maanta sheegay sheeko kale.

MUUQAAL MURUGO BADAN

Maxamed ayaa sheegay inuu wiilkiisa oo 13-jir ahaa ee Cabdi Farxaan Maxmuud uu kusii jeedey iskuulka markii ay Maraykanku gantaal ku dhufteen gaari caasi ahaa oo ay saarnaayeen.

Wuxuu sheegay in dadkii gaariga saarnaa ay googo’een oo uu indhaha u dhamayn kari waayey muuqaalka maydka wiilkiisa.

Waxaa sidoo kale dadka baska saarnaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Cali Waadhoowr oo 70-jir ahaa oo uu wiilkiisa Cabdullaahi Cabdiraxmaan Cali sheegay in “aabbihii uu iska ahaa nin naafo ah oo aan reero dhib ahayn.”

Cali oo London ku nool ayaa sheegay in uu aabbihii si saaxi ah u aqoonsan waayey ee uu kaliya arkay hilbo madoow oo gamaaray.

Mahad Dhoorre oo Baarlamanka ka tirsan ayaa sheegay in duqayntaa lagu laayey dad rayid ah oo 4-6 gaaraya guud ahaan.

Maraykanka ayaa aad u kordhiyey duqaynta Somalia tan iyo markii uu yimid maamulka Trump, iyadoo ay AFRICOM ilaa iminka qirteen inay Somalia ka gaysteen 28 duqaymood oo cirka ah oo ay badiyaa gaystaan dayuuradaha is wada ee daroonka.

Hadalsame Media