LABA arrimood oo oo midkoodba gaar ula gudboon DF Somalia & maamulka Somaliland

0

(Hadalsame) 20 Maarso 2020 – Mar walba oo xukuumadda Soomaaliya sii xoogaysato Somaliland waxa ay ogaanaysaa ama u caddaanaysa in aysan dal madax bannaan ahayn.

Tan iyo 2013 markii xukuumadda Federaalku kumeelgaarnimadii ka baxday caalamkuna aqoonsaday waxa ciriiri sii galaya Somaliland. Kan ugu darani waxa uu dhacay markii N&N xukunka timid.

Balse ilaa hadda madaxda Somaliland waa ay iska indhatirayaan isbeddalkaas wayn waxa ayna rabaan in ay u dhaqmaan sidii ay u dhaqmi jireen madaxdii Somaliland ka hor 2013.

Waxaa i la habboon in madaxda Somaliland dib isugu noqdaan la na yimaadaan qorshe ka duwan midka hadda, iyo ilaa 1991 ay ku soo dhaqmayeen.

Si taas la mid ah madaxda Federaalku yaysan is oran oo iska dhaadhicin “Somaliland waad ka awood badan tihiin iyo idinkaa caalamki idin aqoonsan yahay ee jiq uga dhiga.” Ha xasuustaan in taasi yahay wixii horay Somaliland uga didday uga na dagaallantay ayada oo ciidanka Soomaaliya intaan ka xoog iyo maal badnaa.

Madaxda Soomaaliyaay Somaliland haddii aydnaan si nabad ah ku soo celin karin ha uga sii darinina.

Waayo iyada oo la diidayo inuu dadku kala go’o misna waa in la kasbadaa qalbiyada iyo niyadda shacabka halkaa ku nool oo aan DF looga adkaanin dhanka fidinta dacaayadda ku saabsan in iyaga halis lagu yahay.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media