Kenya oo durba dareentay xanuunka joojinta JAADKA (Imisa ayaa Muqdisho oo qura maalintii Jaad kaga baxda?)

0

(Nairobi) 20 Maarso 2020 – Dowladda Somalia ayaa joojisey dhamaanba duullimaadyadii ka baxayey ama soo gelayey dalka Somalia, arrintaas oo jug wayn ku noqotay beeraleeyda jaadka Kenya, sida ku qoran The Nation.

Warqad Isniintii kasoo baxday DF Somalia, ayaa muddo 15 maalmood ah lagu hakiyey jaadka ka yimaada Kenya iyo Itoobiya, taasoo dhaqan gashay shalay 1:00 AM, kaddib markii kiiskii koowaad lagu arkay Somalia.

Guddoonka Jamciyadda Jaadleeyda Nyambene Miraa Traders Association (Nyamita), Kimathi Munjuri, ayaa sheegay in aan wax jaad ah shalay loo qaadin dalka Somalia, taasoo keentay inay ku baarto 50 tan oo cagaar ah.

Barasaabyada Soomaaliyeed ee Mandheera, Wajeer iyo midka Makueni ayaa iyaguna hakiyey jaadka, halka uu gooddinayo midka ismaamulka Isiolo barasaab Mohamed Kuti oo isna hakin doona haddii aan nadaafadda wax laga qaban, sida uu yiri.

“Labadii maalmood ee tegey waxaan isku dayayney in aannu xaqiijinno moowqifka dowladaha Somalia iyo Kenya ee ku saabsan hakinta Jaadka, balse waxay farriin gaaban noogu soo dhiibeen duuliyeyaasha markii ay saacaddu ahayd 4:00 PM,” ayuu ku gunuunucay Mr Munjuri oo la hadlay Nation.

“Waxaan filayney inay xilli fiican ganacsatada wargelin doonaan, waxay u muuqataa inaan nahay dadka koowaad ee uu dhibku kasoo gaarey cudurka coronavirus,” ayuu raaciyay Mr Munjuri.

Mr Munjuri ayaa sheegay in ay Muqdisho oo kaliya ay maalin kasta geeyaan Jaad ku kacaya ku dhowaad 30 milyan oo shilin, taasoo ka badan rubuc milyan (283,390.52). Sanadkii waa 283,390.52 x 365 = 103437539.8.

Guddoomiyaha Jaadlayda ayaa Dowladdiisa Kenya ka baryey inay la xaajooto Somalia, si buu yiri loosoo celiyo duullimaadyadii Jaadka, maadaama ay diyaar u yihiin inay raacaan tillaabooyinka adag ee lasoo rogey.

Hadalsame Media ayaa horay u qoray in joojinta Jaadka – oo ah badeecada iminka ugu muhiimsan ee ay Kenya dalka u dhoofiso – ay Somalia u adeegsan karto hab kale oo ay Kenya ku tusi karto muhiimaddeeda ganacsi.

Hadalsame Media