DF Somalia oo hal arrin wax ka qaban la’ & laba TALO oo loo soo jeediyey + Sawirro

0

(Muqdisho) 20 Maarso 2020 – DF Somalia ayaa soo saartay amar taxnaanaya 15 maalmood, waxaana ka mid ah in la joojiyey duullimaadyadii caalamiga ahaa, in la hakiyey tegista goobihii waxbarashada.

Yeelkeede, waxaa lasoo qaaday sawirro muujinaya dadkii uu sidii caadiga ahayd u dhooban suuqyada iyo xeebaha magaalada.

Arrintan ayaa ka dhigan inaan la dabbiqin hal tillaabo oo muhim ah marka lala dagaallamayo faafista Covid-19, taasoo ah in ay dadku kala fogaadaan (social distancing).

DF Somalia ayaa loosoo jeediyey inay ciidamo gayso xeebaha iyo suuqyada oo iyaga loo ogolaanayo oo qura dadka adeegga daruuriga ah doonaya, isla markaana la mamnuuco kulamada bulshada wixii 10 qof oo kala fog ka badan.

Sidoo kale, DF waa inay wax ka qabataa in dadka lagu qaaliyeey maciishadda iyada oo fursad laga raadinayo daacuunkan caalamiga ah.

Hadalsame Media