WHO oo sheegtay in la helay tallaal lagula tacaalayo caabuqa corona (Dalal durba is qoray oo lagu tijaabin doono)

0

(Geneva) 19 Maarso 2020 – Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa xaqiijisay inuu si rasmi ah u bilowday tijaabo lagu sameeynayo tallaal heer caalami ah oo lagula dirirayo Covid-19.

Madaxa hay’adda WHO, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay in tijaabadu ay bilaabatay “60 maalmood uun kaddib markii la meeleeyay taxa hidde-sidka coronavirus.”

Tedros ayaa amaanay wax uu ku tilmaamay “guul aan caadi ahayn” oo ay soo hooyeen cilmi baarayaasha caalamka “kuwaasoo iskugu yimi inay qiimeeyaan awoodda dawo ee tallaalkan.”

Wuxuu sheegay in tijaabadani aanay dhaqse ka caddayn doonin in ay tallaalkani cudurka u roon yahay, balse wuxuu sheegay in dalal badan lagu tijaabin doono si la isu barbar dhigo.

Tijaabadan oo loo yaqaanno “Tijaabadii Hiillada ahayd”  ayay ka qayb qaadan doonaan dalalka Argentina, Bahrain, Canada, France, Iran, Norway, South Africa, Spain, Switzerland iyo Thailand oo durba is qoray.

Waxaa horay u jirey sharikaad gaar ah oo bilaabay tijaabada tallaalo cudurka lagula tacaalo, balse midkan ayaa ka ballaaran kana caalamisan.

Hadalsame Media