Maamulka Somaliland oo muujiyay inay ciyaar siyaasadeed kala muhiimsan tahay caabuqa halista ah ee caalamkii caloosha u dhigay! (Arag sababta)

0

(Hargaysa) 19 Maarso 2020 – Maamulka Somaliland oo 1991-kii ku dhawaaqay in uu ka go’ay Somalia inteeda kale ayaa maanta sameeyay khalad aysan la dhicin dadka waxgaradka ah ee Somaliland laftoodu.

Maamulka ayaa muujiyey inay ciyaarta siyaasadeed kala muhiimsan tahay xakamaynta cudurka halista ah ee corona.

Maamulka ayaa si uu iskaga dhega tiro xayiraad ay soo rogtey DF Somalia oo ah hay’adda qura ee sharciyan ka talisa guud ahaan Somalia, waxay ku tala galeen inay sii wadaan duullimaadyada caalamiga ah.

Yeelkeede, taasi ma suuragelin oo saaka waxaa baaqday dhamaanba dayuuradihii caalamiga ahaa ee tegi jirey Somaliland.

Maxamed W Ducaale oo sheegta inuu yahay ergayga Somaliland u fadhiya QM ayaa aad u cambaareeyay DF Somalia oo uu ku tilmaamay ”mid dagaal u caddaysatay” kaddib markii ay qaadday tillaabo siyaasadeed oo aan ”abid horay loo arag”, isagoo soo jeediyey in jawaab la siiyo ”Villa Somalia” sida uu yiri.

Ha yeeshee, dad badan oo waxgarad ah oo xita reer Somaliland ah ayaa dhaliilay aragtida Somaliland oo yaraysanaysa caabuq laayaan ah si ay gool siyaasadeed oo caato ah u dhaliso, maadaama haddii ay dayuuraduhu yimaadaan xitaa aanay wax badan wadciga ka bedelaynin, marka laga reebo halista cudurkan aadka u faafaya oo ay dadka u bandhigayaan.

”Adeer si kasta oo aannu iskaga dhigno in aannu nahay dal Somalia ka go’ay misna weli cidina nama aqoonsana. Tan kale, xayiraadda DF saartay hawada Somalia waa wax ay dani noogu jirto oo cudur baa lagula tacaalayaa,” ayuu yiri nin magaciisa Haybe ku koobay oo u warramay Hadalsame Media.

”Wax kasta oo la isku diiddanyey. Misna ma aha in aannu naarta u gallo khilaafidda Somalia,” ayuu ku kaftamay wiil kale oo ag fadhiyey oo diidey in magaciisa la shaaciyo.

Hadalsame Media ayaa fahamsan inay Somaliland weli waqti xaadirkan ku dadaalayso in dib loo furo hawada oo ay soo degaan dayuuradaha caalamiga ihi.

Somaliland ayaan ku baraarugin halista cudurka. Tusaale, dalka ay ka iman lahayd dayuuradda Fly Dubai ee Imaaraadka, waxay iminka kiisasku marayaan 140 kiis, wayna korayaan.

Hadalsame Media