CAABUQA CORONA: Dalkii ugu horreeyey oo ka geeri batay dalka Shiinaha & xaaladda oo kasii dareeysa

0

(Hadalsame) 19 Maarso 2020 – Markii ugu horreeysey ayuu dal kale ka geeri batay dalka Shiinaha oo uu ka bilowday cudurka uu keeno caabuqa coronavirus ama Covid-19.

Dalkaasi waa Talyaaniga oo ay iminka geeridu mareeyso 3,405 iyadoo maanta oo qura la diiwaan geliyey 5,322 oo kiis, geerida cusubina 427 dhimasho.

Halka ay Shiinaha oo iminka cudurka aad u xakameeyay uu marayo 3,245 oo dhimasho, halka kiisaska cusub ee Shiinaha oo idil ay maanta yihiin 34 kiis. Geerida cusubi waa 8 oo qura.

Saasoo ay tahay dhakhaatiirta Talyaaniga ayaa shalay ka digey inay xaaladdu kasii dari karto haddii uu lacalla cudurku farohooda ka boxo oo ay maaro u waayaan.

Cilladaha Talyaaniga ayaa waxaa uga sii daraya hab-dhaqanka dadka shacabka ah oo aan raacaynin awaamiirta iyo tilmaamaha la siiyo, taasoo ah sababta keentay inay dowladdu handaraabto dalka oo dhan.

Talyaaniga ayaa iminka ah dalka Shiinaha bedeley iyadoo lagu naanayso ”Wuhan-tii Yurub”.

Medical workers in overalls stretch a patient under intensive care into the newly built Columbus Covid 2 temporary hospital to fight the new coronavirus infection, on March 16, 2020 at the Gemelli hospital in Rome. (Photo by ANDREAS SOLARO / AFP) (Photo by ANDREAS SOLARO/AFP via Getty Images)

Hadalsame Media