NINBA MARKIISA: Shiinaha oo dadkiisa uga digey inay u safraan dalalka uu isagu ku daartay caabuqa corona!!

0

(Beijing) 18 Maarso 2020 – Shiinaha ayaa soo saaray xayiraado dhanka safarka ah isagoo muwaadiniintiisa ku boorriyey inay ka fogaadaan dalalka uu la degey caabuqa corona.

Shiinaha ayaa dadkiisa uga digey inay u socdaalaan ama dalxiis ku tagaan dalalka uu haatan faraha ba’an ku hayo caabuqa corona.

War kasoo baxay Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Shiinaha, ayaa dadka Chinese-ka lagula taliyey inay sare u dhigaan heerka badbaadada, isla markaana ay qiimeeyaan halista caabuqani caalamka ka gaystey.

Waxaa dalalka uu Shiinuhu safarradooda ka digayo ka mid ah, kuwa aadka u halista badan sida Italy, Spain, France, Germany, Maraykanka, Switzerland, Britain, Netherlands, Sweden, Norway, Denmark, Austria, Belgium, Iran iyo South Korea.

Shiinaha ayuu hadda aad ugu sii yaraanayaa cudurku, marka loo eego baaxadda uu dalkaasi ku fadhiyo dadka ku nool, waxaana 24-kii saac ee tegey laga helay 13 kiis oo qura, isagoo sheegay inuu cudurka ka cirib tiray magaaladii uu ka bilowday ee WUHAN.

Hadalsame Media