Kiisaska Talyaaniga oo markale cirku isku shareeray & Ingiriiska oo ku socda jidkii Talyaaniga + Sawirro

0

(Roma) 18 Maarso 2020 – Caabuqa coronavirus ee ku dhuftay Talyaaniga oo hoos u dhac yar samaynaya haatan laba kacleeyay, kaddib markii la qaaday tillaabooyin adag oo lagu yaraynayo faafitaanka cudurka.

Arrintan ayaa cashar u noqon karta Britain oo weli ka madax adaygaysa in iskuullada iyo goobaha la isugu yimaado la xiro ama safarrada la joojiyo.

Tirada kiisaska Talyaaniga ayaa afartii maalmood ee lasoo dhaafay hal meel taagnayd, iyadoo maalin kasta la diiwaan gelinayey 3,500 oo qof.

Shalay oo uu kororku ahaa 12.6%, taasoo ah heerkii ugu yaraa tan iyo bilowgii caabuqa ee 21-kii Febraayo ayay dadku rajo yar ka muujiyeen in handaraabku uu mira dhalayo, tiiyoo ay mudadaa dhimashadu ka kacday 345 oo ay iminka mareeyso 2,978.

Yeelkeede, maanta ayay markale aad sare ugu kacday, iyadoo maanta oo qura la diiwaan geliyey 4,207 oo kiis, halka ay geerida cusubi tahay 475.

”Waxa ugu darani waa xawaaraha uu cudurku ku faafayo oo marka dambe jilbaha dhulka noogu dhufan karta.” ayuu yiri Dr Antonino Marchese oo ka hadlayey furitaanka Isbitaalkii 3-aad ee Corona lagula tacaalo oo laga dhisay Casal Palocco, Roma.

Dhakhaatiirta Talyaaniga ayaa ka digaya inay xumeeydu weli harsan tahay oo loo baahan yahay in aad loo taxaddaro, iyadoo dadka weli lagu kari la’yahay inay guryaha joogaan.

Britain, oo aan ilaa iminka wax tillaabo ah qaadin, ayaa maanta oo qura laga diiwaan geliyey 676 waana bootintii ugu dheerayd ee uu cudurku maalin qura sameeyo.

Booliiska oo qoys ku nasanaya beer ku taalla San Donato Milanese, Milano ku amraya inay gurigoodii aadaan

Hadalsame Media