Dayacaad ku aaddan halista caabuqa corona oo lagu eedeeyay DF Somalia

0

Wasaaradda Caafimaadka DF Somalia ayaa xaqiijisay in ay heshay kiiskii koowaad ee cudurka corona, iyadoo uu RW Khayrre xalay sheegay inay lacag iyo agab u diyaariyeen la tacaalidda cudurka, yeelkeede, Xil. Mahad Salaad ayaa arrin kale daboolka ka qaaday.

“Dadaal looga hortagayo faafidda caabuqa Coronavirus kama muuqdo Mogadishu ee maku talogal ayaa jira mise tabar ayaa sida naga noqotay?!

“Shalay diyaaradii aan ku imid magaalada Mogadishu waxaa ila saarnaa dad ka yimid dalalka yurub qaar ka mid ah, oo cudurka Coronavirus fara ba’an ku hayo. Intooda badan magaalada ayay galeen marka laga reebo shan dhalinyaro ah oo Talyaaniga ka yimid, Baasabooro Soomaali ahna watay, qol afar mitir ah oo geggida diyaaradaha Adan Cadde ku dhex yaala musqulna aan lahayn ayaa lagu xareeyay xalayna ku hoydeen ilaa hadana kujiraan, hal qof oo wasaarada caafimaadka ka socda uma tagin. Madaxda dowlada qaarkood oo arintaan aan kala hadlayna ilaa hada cid uma dirin. Bal kawaran dayaca intaas la’eg ee meesha ka jira iyo faanka beenta ah ee maalmahaan aan warbaahinta ka arkeynay!

Xil. Mahad ayaa soo qaatay sheeko ka dhacday Isbitaalka Digfeer oo lagu arkay qof cudurka qaba misna magaalada ku jirey.

“Sidoo kale saakay waxaa yimid Isbitaalka Ordogan ee horay loo oran jiray Isbitaal Digfeer nin xanuunsan, laguna arkay dhamaan caalamadihii muujinayay caabuqa Coronavirus, sida uu sheegayna meel kula noolaa nin ka yimid dalka Ingiriiska markii uu dib u laabtayna laga helay cudurka. Ninkii waxa lagu wareejiyay Wasaarada Caafimaadka, dhaqaatiirtii baartayna 14 beri ayaa Isbitaalka laga fasaxay. Su’aashu waxay tahay hadii qofkan xanuunsan la ogaado in uu cudurka qabo, dhaqaatiirtii baartayna ay suurogal tahay in ay cudurkii ka qaadeen bukaankaas magaaladana lagu sii dhex daayay, soo cudurkii sii faafi maayo?!

“Waxaan ku talin lahaa markaan arintu siyaasad ma taagna ee dhamaanteen aan u wada istaagno sidii dadka looga badbaadin lahaa cudurkaan dilaaga ah, xukuumadana waxaan ugu baaqaynaa in ay sidaan wax ka badalaan oo faanka lagu badalo wax qabad la taaban karo.”

Weli ma hayno ilo 3-aad oo madax bannaan oo warka Salaad xaqiijinaya.

Hadalsame Media