DHEGEYSO: Sidee & halkee qofka ka haleelaa caabuqa corona? (Dad uu hayo oo ka hadlaya)

0

(Stockholm) 17 Maarso 2020 – Kjell Mo iyo Viktor Andersson waa labo qof uu hayo caabuqa Corona virus waxayna imminkana ku jiraan karantiil xaafadahooda.

Kjell Mo ayaa bilaabay in uu dareemo astaamaha cudurka markii uu ka soo laabtay safar uu ku tegay waqooyiga dalka Talayaaniga. Durbadiiba waxuu la xiriirat lambarla tallooyinka caafimaadka ee 1177. Waa kan isaga oo ka sheekeynaya astaamaha uu dareemay:

– Waxaan bilaabay in aan dareemo astaamaha hargabka, oo waxaan la xiriirnay 1177 marka aan nimid guriga. Waa sida hargab caadi ah, qunfac, diif, korxanuun, qandho ama xummad saa’id ah, sida waxuu ahaa hargab si dhab ah u bilowday, ayuu yiri Kjell.

Viktor Andersson waxuu ku jiraa karantiil in ka badan asbuuc, waxuuna xanuunka ka soo qaaday safar uu ku tegay magaaladda Amsterdam ee dalka Holland. Viktor, waxuu Caabuqa Corona uu ku bilaabay qandho aad u adarn si toos ah:

–  Qandho ayaa si toos ah ee qabatay, maba dareemin astaamo hargab . waxaan ka imid safar Amsterdam dabadeed waxaan toos u bilaabay shaqo laakiin marka aan ka imid shaqada waxaan dareemay xanuun, oo heerkulka jirkeyga waxuu gaaray 39 digrii marka Corona wuu i boobsiiyay, ayuu yiri Viktor.

Isha: Radio Sweden

Hadalsame Media