”EPL waxay sugayeen GEERI dhacda!” – Laacib aad u saluugey qaabka loola xaalay caabuqa corona!

0

(London) 14 Maarso 2020 – Daafaca West Ham United iyo Talyaaniga Angelo Ogbonna ayaa maamulka Premier League iyo guud ahaan Ingiriiska ku dhaliilay inay “aad u yaraysteen halista caabuqa Coronavirus, halkii tillaabo ka qaadi lahaayeen.”

Maamulka Premier League ayaa kaliya bilaabay inuu ka fikiro inuu joojiyo ciyaaraha Horyaalka EPL, kaddib markii uu cudurku ku dhacay dad ay ka mid yihiin macallinka Arsenal ee Mikel Arteta, iyadoo xilligaa kaddib xitaa ay dowladda Britain ay ku adkaysaneysey in aan la joojinayn isu imaadka iyo kulamada bulshada.

“Waan ku faraxsan ahay in haatan wax kasta la hakiyey, balse waxay u ekayd sidii inay sugayeen inta uu qof ka dhimanayo,” ayuu Ogbonna u sheegay Corriere della Sera.

Ogbonna ayaa sheegay in qaabka ay UK cudurka u wajahdey ay keentay inuu sii baaho, waloow uu cudurku weli dalkaa ka marayo marxalad horaad wax badan weli laga qaban karo.

Hadalsame Media