Laacib ka tirsan Juventus oo laga helay caabuqa corona & Ronaldo oo ka cararay Talyaaniga (CL & EURO oo halis ku jira)

0

(Roma) 12 Maarso 2020 – Difaaca Juventus iyo xulka Talyaaniga, Daniele Rugani, ayaa laga helay cudurka Corona kadib tijaabo laga qaaday. Ciyaaryahanka ayaa hadda lagu sameeyay Karantiil.

Dhammaan ciyaartoyda Juventus iyo kuwa Inter oo toddobaadkii hore wada ciyaaray ayaa la marsiinaayaa tijaabooyin dheeraad ah.

UEFA ayaa ka fikireysa inay baajiso kulanka Champions League ee toddobaadka dambe Juventus marti-qaadeyso kooxda Lyon.

Dhammaan kulamada horyaalka Talyaaniga ayaa la hakiyay ilaa ammar dambe.

C.Ronaldo ayaa u duulay magaalada uu kasoo jeedo ee Mediera, si uu uga fogaado halista Viriska kusii faafaya Talyaaniga.

Dhanka kale kooxda Inter Milan ayaa iyaguna is karaantiilay, kaddib markii ay soo baxday inuu cudurku ku dhacay Daniele Rugani oo hadda la jiifa Coronavirus.

Kooxda Nerazzurri ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku xaqiijisay inay sidoo kale tababarkii joojisey ilaa amar dambe, isla markaana ay qaadayaan tillaabooyinka loo baahan yahay.

Dhanka kale, wakiillo ka socda 5-ta horyaal ee Yurub ugu waawayn ayaa maanta lagu wadaa inay video kula shiraan UEFA si dib loogu dhigo Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020, taasoo ay UEFA ilaa iminka diidaynayd.

Waxaa Diyaariyey: Ibraahim Geeddow Cawaale & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

 

Facebook Comments