Turkiga oo samaystay dayuurado wax basaasa oo badda gunteeda wax ka arkaya gujisyadana dila + Sawirro

0

(Ankara) 09 Maarso 2020 – Turkiga ayaa bilaabay inuu dayuurad nooca basaaska ah oo uu isagu sameeyay uu u adeegsado dhowr gobol oo muhim ah sida including Badda Black Sea, tan Aegean, Bariga Badda Mediterranean-ka iyo xeebaha Libya.

Dayuuraddan oo ah P-235 ayaa waxay ka mid tahay dayuurado uu Turkigu ku dhisay mashruuca Meltem-2 Project waxaana lagu daray agabka Ciidamada Badda dalkaasi.

Dayuuraddan ayaa ka qayb gashay dhoolla tuska Dynamic Manta NATO oo ay kasoo qayb galeen Spain, Faransiiska, Jerman-ka, Canada, U.K., Talyaaniga iyo Giriigga.

Marka laga soo tago P-235, Turkey ayaa sidoo kale adeegsadey TCG Salihreis, TCG 18 Mart iyo Gabya-class TCG Gaziantep. Dayuuradda roondada hawada sameeysa ee TCB 655 oo loo dhamaystiray qorshayaashii loogu tala galay oo dhan ayaa sidoo kale lasoo bandhigay.

Dhoolla tuska Dynamic Manta – oo ah sanadle loogu tala galay dagaal aad u horumarsan oo ku saabsan oogada dhulka iyo midka la dagaallanka gujisyada quusa – ayaa bishii Febraayo 24-keedii ka bilowday jasiiradda Talyaaniga ee Sicilia, isagoo dhamaaday 6-dii Maarso.

Ciidamada Badda Turkiga ayaa haysta 6 nooc oo ah dayuuradaha wax ka maqla biyaha hoostooda, oo leh awood dagaal danabeed iyo mid ay ku dilaan gujisyada, waxayna ka mid yihiin agabka istaraatijiga ah ee ee Ciidamada Turkiga ee saldhigta Bariga Badda Mediterranean iyo midda Aegean Sea.

Hadalsame Media