Cabdi Janan & malliishiyadii la socotey oo iskaga baxay Mandheera (Halkee aadeen?)

0

(Kismaayo) 09 Maarso 2020 – Wasiirkii la doon doonayey ee Jubbaland, Cabdirashid Janan kaasoo bishii uu Mandheera joogey ay xiisad diblomaasiyadeed markale ka dhex dhalisay Somalia iyo Kenya ayaa la sheegayaa inuu hadda dib ugu noqday magaalada Kismaayo.

Ilo ku dhow magaalada Mandheera ayaa waxay sheegayaan in Cabdirashid Janan oo kasoo baxsaday xabsi guri Muqdisho ihi uu Isniintiii maanta ka dhaqaajiyey Mandheera.

Wararku waxay intaa ku darayaan in malliishiyadii isaga la socotey oo lagu hayey xeryo ay leeyihiin ciidamada amaanka Kenya ay laftoodu u ruqaansadeen dhanka Kismaayo, iyadoo la sheegay inuu isagu halkaa durba gaarey.

Bixitaanka Janan ayaa imanaya maalin uun kaddib markii ay Muqdisho gaareen wefdi heer wasiir ah oo Kenya ka socda kuwaasoo Xamar kula kulmay MW Farmaajo, si loo turxaan bixiyo mad madowgan cusub.

War kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in MW Farmaajo uu aqbalay casuumaad rasmi ah oo kaga timi dhanka dhiggiisa Uhuru Kenyatta si loo sii sahmiyo qaabab lagu xallin karo xasaradda diblomaasiyadeed ee labada dal.

Hadalsame Media