Dal lagu eedeeyay inuu isagu ka dambeeyo caabuqa corona ee caalamka ruxay!

0

(Hadalsame) 06 Maarso 2020 – Dalka Iiraan ayaa Maraykanka ku eedeeyay inuu isagu ka dambeeyo cudurka Covid-2019 ee ku dhuftay China iyo Iiraan, sida uu ku doodayo Madaxa Ilaalada Jamhuuriga ee Iiraan oo sheegay in fayruskani uu marka dambe ku dhufan doono kuwii keenay.

“Waa suuragal in fayruskani yahay weerar bayolojiyeed oo uu Maraykanku ku qaaday Shiinaha iyo Iiraan iyo dunida kale,” ayuu yiri Hossein Salami.

Wuxuu dhanka kale ku gooddiyey “inay cudurkan la diriri doonaan” kaasoo sida uu yiri marka dambe “dib ugu noqon doona” Maraykanka, haddii ay Washington iyadu ka dambayso.

Waloow ay aragti dhagareedyo badani wareegaalaysanayaan, weli ma jirto xog rasmi ah oo caddaynaysa runnimadooda.

Iiraan ayaa ka mid ah dalalka uu sida ugu xun cudurkani ugu dhuftay, marka laga boxo Shiinaha oo uu cudurka ka asuulmey.

Khamiistii shalay ahayd, waxaa Iiraan laga diiwaan geliyey 3,513 kiis oo ay 107 ka mid ihi geeri yihiin. 15 ka mid ihi waxay cudurka u dhinteen 24-kii saacadood ee tegey oo kaliya, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka, Saeed Namaki.

Hadalsame Media