Madaxda Soomaalida oo sameeya arrin FASIRAAD khaldan ka bixinaysa cudurka corona (Arag arrintan)

0

(Hadalsame) 03 Maarso 2020 – Kasoo biloow Wasiiraddii diiddey in laba baaro ee Khadiijo Diiriye ilaa kuwii ogolaaday ee Amaanka iyo Dibedda ee Ducaale iyo Cawad oo lagu keeno Guddoonka Baarlamanka Puntland oo goor dhowayd Garoowe kasoo degey, waxaa jira fikrad khaldan oo ay cudurka Corona ka faafinayaan madaxda Soomaalidu, mid diiddan in la baaro iyo mid ogolba.

Arrinta muhimka ah ee ay tahay in la ogaado oo aad loogu baraarugo waa inuu cudurkani leeyahay muddo karaantiil (incubation period), taasoo ugu yaraan gaaraysa 14 maalmood oo aanu dadka dhex gelaynin qofkii cudurka looga shakiyo ama ka yimaada meelaha uu ka jiro.

Yeelkeede, madaxdani marka ay garoonka kasoo degaan waxay markiiba iska dhex galaan dadka iyaga oo salaan kala dhex kaca safkii dheeraa ee shaqa la’aanta ahaa ee garoomada taagnaan jirey.

Si kastaba, safkaa dheer ee sii dhowaynta iyo soo dhowaynta ah loomaba baahna, balse horayna waa uga hadalnay, mar kalena waan ka hadli doonnaa insha ALLE.

Waxay ahayd in maadaama ay tusaale wax ku hoggaamiye is leeyihiin oo sababta dhafoorka looga saarayo heer ku beeggu uu yahay inay umadda wax tusaan ay fursaddaa qaaliga ah uga faa’iidaystaan inay umadda siiyaan cashar waxbarasho ah oo bilaash ah oo ay dadka ka fogaadaan, kolleey jajabnaan iyo qudduuc ay taa ku dhamaystiraan maba lahane ugu yaraan inta ay indhaha kaamarooyinku hayaan.

Markan wuxuu mudanuhu salaan la dhex boodayaa safkii dheeraa

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media