DHEGEYSO: Macaamiisha Telia oo wixii caawa ka dambeeya waayi doona adeeg muhim ah

0

(Stockholm) 03 Maarso 2020 – Hilinka maxalliga ah ee loo yaqaanno Kanal 5 ayaa laga damiyey macaamiisha haysta qandaraaska Telia oo idil, taasoo ka dhigan inaysan daawan doonin macaamiil gaaraysa ku dhowaad 770,000 qof oo ku nool Sweden.

Shabakadaha Discovery Networks iyo Telia ayaa ku guuldarraystay inay ku heshiiyaan qandaraas cusub oo lagu bixinayo rukhsadda xuquuqda lagu baahinayo dhowr hilin.

Taasi waxay keenaysaa in macaamiisha Telia ee Sweden aanay daawan kari doonin hilinka Kanal 5 iyo 9 kale oo ay ugu waawayn yihiin Eurosport, Discovery Channel iyo Kanal 9.

Isbeddelkan ayaa dhaqan gelaya caawa wixii loo gaaro marka ay saacadda maxalliga ihi tahay 8 fiidnimo, sida ku cad war kasoo baxay Discovery Networks, sidaa darteed haku tashan daawashada hilinnadaasi.

Daniel Lagerqvist, oo ah Maareeyaha Warfaafinta ugu qaybsan Discovery Sweden ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ka caddeeyay in ay rajaynayeen inay is af gartaan iyaga iyo Telia, balse ay taasi dhici waydey, maadaama ay Telia wax ku doonayso beec baqas ah oo ka hooseeya midka uu adeeggoodu ka joogo suuqa caadiga ah taana aysan ogolaan karin, sida uu yiri.

Hadalsame Media