DEG DEG: Ciidamada Turkiga oo soo ridey dayuurad kale oo ay leeyihiin Ciidanka Suuriya

0

(Idlib) 03 Maarso 2020 – Dayuurad dagaal oo kale oo ay leeyihiin Ciidamada Cirka dalkaasi ayaa waxaa Idlib kusoo ridey Ciidamada Turkiga, jeer ay halkaa ka waddey howlgal, sida ay sheegtay Warbaahinta Taliska Suuriya.

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga ayaa soo tweet gareeyay inay soo rideen dayuurad ah nooca L-39, iyadoo ay Suuriya ku doodayso inay dayuuraddu weerar ku haysey kooxo argagixiso ah markii la ridayey.

Khilaafka gobolka Idlib ayaa gaarey barta karka todobaadkii tegey kaddib markii la diley 33 askari oo Turki ah, taasoo ka caraysiisay Turkiga, iyadoo uu Ruushku sheegay inay Turkigu ku sugnaayeen bartilmaameedyo lagu ogaa argagixisada, isla markaana aysan Ruushka u sheegin inay halkaa joogaan.

Axaddii, ayuu nidaamka Dimishiq wuxuu ku dhwaaqay inuu xirey hawada Woqooyi Galbeed, iyagoo ku gooddiyey inay soo ridi doonaan dayuurad kasta oo soo gasha, halka uu Ruushkuna sheegay inuusan hadda kaddib damaanad qaadi doonin amaanka dayuuradaha Turkiga.

Horay ayaa Suuriya looga ridey laba dayuuradood oo casri ah ee hoos ka daawo.

 

Hadalsame Media