XOG: Imaaraadka & Sucuudiga oo Trump siiyey malaayiin laaluush ah si uu….

0

(Washington, DC) 26 Feb 2020 – Ganacsade Lubnaan-Maraykan ah ayaa sheegay in dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadku ay malaayiin laaluush ah siiyeen Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump xilligii uu u taagnaa doorashada Maraykanka 2016-kii.

Ninkan oo la yiraahdo Ahmad “Andy” Khawaja, ayaa ku doodaya in saraakiil ka socota Imaaraadka Carabtu ay lacagaha ku bixiyo haybo been ah iyo qaabab loo bixiyo qaaraanka musharrixiinta iyada oo aan loo baahanin in la ogaysiiyo Guddiga Doorashooyinka Federaalka.

Khawaja oo laftiisu iminka baxsad ka ah Maraykanka kaddib markii lagu eedeeyay inuu qaab aan sharci ahaan uu u gudbiyey $3.5m oo ah qaaraan aan sharci ahayn oo ay heshay Hillary Clinton oo markaa musharrax ahayd.

Ninkan ayaa sheegay in uu Sucuudigu uu isna lacagta qayb muhim ah ka bixiyey, iyadoo uu Imaaraadku u xil saarnaa sidii Trump loogu gudbin lahaa lacagtaasi oo la marsiiyey hilinno aan ahayn kuwa rasmiga ah, iyagoo ku socda magac aan ahayn ujeedka rasmiga ah.

WAA MAXAY UJEEDKU?

Khawaja ayaa sheegay in ay dalalkani ay Trump kula sii heshiiyeen inuu gebi ahaanba ka boxo heshiiskii nukliyeerka Iiraan, isla markaana uu cunaqabatayn dheeraad ah saaro saliidda Iiraan, si weliba anfacaysa Sucuudiga & Imaaraadka.

 

Visa det här inlägget på Instagram

 

Hillary,, Hillary,, together we are stronger, #usa?? #entrepreneur #hillaryclinton #votehillary

Ett inlägg delat av Dr Andy Khawaja (@andykhawajaa)

Hadalsame Media