Soomaali markii ugu horreeysey iskaga timid arrin dhib badan umadda ku haysa balse la QARSADO!

0

(Bristol) 26 Feb 2020 – Kooxda Soomaali reer Bristol ah ayaa markii ugu horreeysey madal iskugu yimid sii looga wada hadlo cudurrada dhimirka ee sanadihii dambe kusoo badanaya umadda Soomaaliyeed.

Qaar badan ayaa sheegay inay jirto “ceeb” ku hareereeraysan fayoobida iyo jirrada dhimirka, balse ay doonayaan inay meesha ka saaraan caqliyaddaa cawaran si arrimahan wax looga qabto.

Waqcaddan oo ka dhacday Charlotte Keel Medical Practice, ayaa loogu tala galay in sare loogu qaado wacyiga dadka isla markaana dadka lagu baraarujiyo in ay dawo leeyihiin cudurrada dhimirka, kaddib markii uu dhacay fal dil ah oo uu ku lug yeeshay nin Soomaali ahaa oo aan dhimir ahaan fadhiyin.

Abaabulaha, Maxamed Cilmi ayaa yiri: “Waa in aannu meesha ka saarnaa caqliyadda ah inaan arrintan laga hadlin oo aanu dhiiri gelinnaa wada hadallo wax ku ool ah”

Jamaal Sheekh Maxamed, 51 jir ahaa ayaa lagu helay dilka nin kale oo la yiraahdo Bashiir Cabdullaah.

Yeelkeede, dacwad oogayaasha ayaa sugaya qiimayn dhanka dhimirka ah kahor inta aanay xukunka ridin, iyadoo lagu ballansan yahay Maxkamadda Bristol Crown Court, 12-ka Maarso.

Hadalsame Media