Maraykanka oo sheegtay inuu diley ”maskaxdii ka dambaysey” weerarkii Gacanka Manda, xaaskiisa

0

(Muqdisho) 26 Feb 2020 – Maraykanka ayaa sheegtay in weerar cireed uu todobaadkan Somalia ka gaystey ku diley ninkii qorsheeyay weerarkii lagu qaaday saldhig badeed ku yaalla gudaha Kenya oo ay wada degganaayeen ciidamada Maraykanka iyo kuwa dalkaasi.

Ciidamada AFRICOM ayaa war rasmi ah oo ay soo saareen ku sheegay inay Sabtigii khaarajiyeen sarkaal sare “oo ahaa maskaxdii ka dambaysey weerarrada argagixiso ee ay Shabaabku ka gaystaan goobaha xadka u dhow, kuwaasoo uu ku jiro midkii Manda Bay” iyo weliba xaaskiisii oo ay ku tilmaameen ”mid firfircoon oo caqli badnayd”, sida ay sheegeen.

Weerarka Gacanka Manda oo dhacay 5-tii Jannaayo ayay Shabaabku ku dileen 3 Maraykan ah oo uu mid askari ka ahaa, taasoo keentay inay Maraykanku ciidamo dheeraad ah u diraan aagagga u dhow xadka Somalia-Kenya.

Africom ayaa Somalia ka gaysatey ilaa 63 weerar cireed sanadkii tegey oo qura, kuwaasoo ay sheegeen inay la beegsadeen kooxda Shabaab, balse marar badan ayay weeraradaasi waxyeello u gaystaan rayidka.

Ilaa iminka oo lagu jiro bishii 2-aad ee sanadkan 2020, waxay Maraykanku fuliyeen 18 weerar oo uu ugu dambeeyo midkii Sabtigii.

Maraykanka ayaa lagu xantaa inuusan doonayn in la dhiso ciidamo xooggan oo ay Somalia yeelato, si ay u xasiliyaan dalka.

Hadalsame Media