KARAAHIYADA CORONOVIRUS: Weerar toos ah oo ku bilowday dadka Shiinaha ah (Dhacdo yaab leh)

0

(Vicenza) 26 Feb 2020 – Waxaa calwasaad soo jeed ah oo xanuun badan guud ahaan galay dadka Chinese-ka ah ee ku dhaqan daafaha dunida ama wax kasta oo iyaga u eg, sida Indha Yarta kale, tan iyo markii uu dillaacay cudurka laayaanka ah ee Coronovirus oo ka bilowday Wuhan, China.

Gobolka Veneto ee woqooyiga Talyaaniga oo ka mid ah meelaha uu ka bilowday cudurkan dhanka Talyaaniga ayaa waxaa qarshooyin lagu daqray wiil Chinese ah.

Kiiskii ugu horreeyay ee weerar cad ah ayaa goob shidaalka laga qaato oo ka tirsan Cassola, Vicenza, Gobolka Veneto ka dhacay fiidnimadii Isniintii, kaddib markii qarsho lagu daqray Zhang, oo kaliya eersaday inuu Chinese yahay.

“Hadda dadka ayaan ka baqaa in ka badan cudurka coronavirus. Aad baa nalkuugu faquuqaa inaan Chinese nahay. Hadda madaxa ayaan hoos u raaricinnaa waayo waxaan nahay marti ku nool Talyaaniga, balse intaan ka badan ma adkaysan karno,” ayay tiri Elisa, oo Shiinaha ku dhalatay balse 20 sano Talyaaniga ku noolayd oo la hadashay Openonline.

Hadalsame Media