DHEGEYSO: Sweden oo iyada hal arrin ka faa’iidaysanaysa doonaysa joojinta dagaalka Yaman

0

(Stockholm) 26 Feb 2020 – Wasiir Dibadeedka Sweden, Ann Linde, ayaa manta u safraysa Sucuudiga, oo ah halka ay deggan tahay dowladda musaafuriska ku maqan ee Yaman, si ay ula kulanto dhinacyo ka mid ah kuwa talada ku leh dagaalka sokeeye ee Yaman. Wasiiradda ayaa ka hadashay sababta safarkeeda.

”Ujeedku waa inaan la kulmo Dowladda Yaman iyo Wasiirro Sucuudi ah si aannu uga wada hadalno joojinta xasaradda iyo sidii lagu soo celin lahaa geeddi socodkii wada hadallada,” ayay tiri Ann Linde.

Dagaalka sokeeye oo aan iminka xal u muuqan ayaa dalka Yaman ka holcayey muddo 5 sanadood ah, isagoo galaaftay nolosha reer Yaman oo 80% ka mid ihi ay maanta ku nool yihiin kaalmo dibadeed, waxaa dalkaa ka dillaacay daacuunkii ugu ballaarnaa dunida xilliyada casriga ah, iyadoo ay ilaa 3 milyan oo qofi u baahan yihiin in lagala tacaalo macluul ba’an oo saamaysay carruurta, hooyooyinka uurka leh iyo kuwa nuujinaya intaba. Halkaana kuma ekoo xaaladdu way kasii daraysaa.

Yeelkeede, Wasiiradda ayaa iftiin ka tusmaynaysa gunta hoose ee qaxaabta mugdiga ah ee uu dalkaasi galay, iyadoo aaminsan inuu Sucuudiga oo ka mid dalalka dalkaa dagaalka ka hurinayaa uu muujinayo ishaarooyin nabadeed iyo in uu xal diyaar u yahay.

”Wuxuu Sucuudigu ishaaray inuu diyaar u yahay in dagaalka la joojiyo oo la taageero helitaanka xal siyaasadeed, waana midda loo baahan yahay in la xoojiyo,” ayay raacisay.

Sweden ayaa kalsooni ka haysata dhinacyada is haya, oo ay hadda kahor kulan ay QM garwadeen ka tahay ugu qabatay magaalada Stockholm, goortaasoo ay ku heshiiyeen qodobbo ay ka mid ahaayeen xabbad joojin, maxaabiista oo la is dhaafsado iyo furitaanka dekedda Xudaydah.

Hadalsame Media

 

Yeelkeede, dhaqan gelinta qodobbadaas ayaa gaabis ahaa, waloow aanu dhinacna weli muujinin saansaan ku saabsan inuu si buuxda uga baxayo heshiiska.