DHEGEYSO: Inta maalmood ee ay Sweden la tacaali karto cudurka coronavirus oo la sheegay (Yaa u xil saaran?)

0

(Stockholm) 26 Feb 2020 – Hannaanka caafimaad ee dalka Sweden ayaa lagu warramayaa inay muddo 14 maalmood ah ku qaadanayso inay la xaasho caafimaad 100 bukaan ah oo qaba cudurka faafa ee coronavirus, sida ay sheegayso hay’adda qaran ee Sweden u qaabbilsan caafimaadka iyo daryeelka.

Haddaba yaa u xil saaran howshan, ma Degmooyinka, ma gobollada mise Dowladda Dhexe? Madaxa U diyaar garowga Xasaradaha, Johanna Sandwall, ayaa caddaysay cidda mas’uulka ah la macaamilidda arrintan.

– Gobollada ayaa ka mas’uul ah diyaarinta agabka la isku ilaaliyo, inay la xiriiraan dadka soo daabulaya iwm si wax kasta hubaal looga dhigo intii suuragal ah, ayay tiri Sandwall.

Warbixintan waxaa ku cad inay Sweden ku filan tahay bixinta daryeel caafimaad oo lagula tacaalayo cudurka coronavirus muddo dhan 1400 maalmood.

Haddaba Wakaaladda Ekot ayaa u dhabba gashay inay wax ogaato sida ay gobolladu ugu diyaar garaysan yihiin haddii uu lacalla Sweden ka dillaaco cudurka coronavirus.

Gobolka Uppsala ayaa diyaariyey agab caafimaad oo gaar ah oo lagula tacaalo cudurkan. Gobollo dhowr ah ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan kaydka dawo ama agab ee u diyaarsan amaanka dartii, iyagoo ka baqaya in iimo laga helo.

Yeelkeede, gobollada qaar ayaa durba waxaa ku yar agabka lagu ilaaliyo sanka iyo wejiga, waxaana qayb ahaan u sabab ah, qalabkan oo lagu sameeyo Shiinaha oo ah halka uu aadka u xulayo cusdurka coronavirus oo ka bilowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Gobolka Jönköping tusaale ahaan, waxaa ka bilaabatay in la kaydiyo agabka af ilaaliska ah. Halka gobolka Kalmar uu madaxa wax soo iibinta, Jesper Zetterström, uu sheegayo inay bilaabeen inay bakhaarro gaar ah wax ku kaydsadaan kaddib markii ay buuxsameen bakhaaradii rugaha caafimaadku.

Hadalsame Media