DF Somalia oo ka dhabaysay ballanqaad ay horay u samaysay

0

(Muqdisho) 26 Feb 2020 – DF Somalia ayaa miisaaniyaddeeda ku caddaysay inay kordhinayso mushaharka Ciidamada Xoogga Dalka oo horay u qaadan jirey 100 doollar, balse iminka laga dhigay 170 doollar oo ay uu dheer yahay 60 doollar oo sahay ah.

Haddaba, Wasaaradda Maaliyadda DF Somalia, oo iyadu ah hay’adda ugu wayn ee maamusha dakhliga dalka ayaa sheegtay inay si rasmi ah tillaabadaa u bilowday sanadkan 2020.

”Dib-u-habeynta hey’adeheena amniga ayaa inoo sahashay guusha wadajirka ah ee heer gobol & heer Dowladeed. Guushaan dib-u-habeynta ah waxaa wehliya koror dhan $70 oo ah mushaarka Ciidanka oo aan bilownay bixinteeda laga bilaabo January 2020.” ayuu u dhignaa war lagu soo qoray bogga Facebook ee Wasiirka Maaliyadda Dr Bayle.

”Ciidamadeenu waa kuwa aad ugu qalma qadarin iyo taageero joogta ah in aan la garab istaagno. Alla bari iyo duco ayaan la garab taagan nahay ciidamadeena Soomaaliyeed.” ayaa la raaciyay.

Hadalsame Media

Facebook Comments