Wixii dhacay kahor inta aysan webi ay ku hafatey isku tuurin gabar Soomaali ah oo la ogaadey!!

0

(Bury) 25 Feb 2020 – Gabar yar oo Soomaali ah oo mar sii horreeysey ku hafatey webi ku yaalla dalka Ingiriiska ayaa la ogaadey sababta keentay gabadhaa yar oo 12-jir ahaydoo maydkeeda uu soo tufay webiga Irwell oo ku yaalla magaalada Bury ee gobolka Lancashire.

Shukri Cabdi, oo UK timid Jannaayo 2017-kii, ayaa la sheegay inay koox ilmo ah oo aynigeeda ah u raacday webiga bishii Juun 2019, waxaana la sheegay inuu midkood ku yiri:  “Haddii aanad webiga gelin, waan ku dilayaa,” sida lagu dhegeystey dacwad shalay la keenay maxkamadda.

Hooyada Shukri, Samsam Carab Tuurre, ayaa horay u sheegtay inay gabadheedu biyaha ka biqi jirtey, isla markaana aanay abidkeed gelin ama aysanba dabaal aqoonin kahor imaanshiyeheedii UK.

Ilmaha loo haysto dembigan oo aan magacyadooda la sheegayn, balse sharci ahaan loo adeegsanayo cunugga 1, cunugga 2 iwm, maadaama aysan qaan gaar ahayn ayaa dhiganaysey iskuulka sare ee Broad Oak ee Bury, waxayna macallimiintu ku sheegeen gabar ”kaalmo badnayd oo farxaan ah”, balse waxay sidoo kale sheegeen inay jireen shilal ku saabsanaa dhagax tuur iyo boorsadeeda oo wax lagu qor-qoray.

Hooyo Samsan ayaa sheegtay inay gabadheedu guriga kusoo noqon jirtey inta u dhaxaysa 3.15pm iyo 3.45pm, taasoo hadba ku xirnayd haddii ay jirto howl iskuulka kaddib ah oo ay ardaydu ka qayb gelayaan, balse markii ay 3.45pm waydey ay bilowday inay baadi goobto, iyadoo maalintaa telefoonkeedii guriga uga tagtay nasiib xumo.

Dacwadda ayaa haatan socota.

Hadalsame Media