SAWIRRO: Cudurka coronovirus oo sidii duufaan u xulaya qaaradda Yurub (4 dal oo cusub oo uu gaarey)

0

(Hadalsame) 25 Feb 2020 – Cudurka laayaanka ah ee coronavirus ayaa sidii duufaantii u dhex jibaaxaya qaaradda cajuusada ah ee Yurub, wuxuuna isagoo sii karaar qaadanaya uu haatan ka bus kiciyey dalal cusub sida Switzerland, Austria, Croatia iyo Spain oo maanta xaqiijisey geeridii ugu horreeysey.

Cudurkan ayaa haatan ku fiday ilaa 40 dal iyo geyiyo kala duwan, iyadoo kiisaskii ugu dambeeyay laga helay Yurub – laba Austria ah, mid Croatia ah, mid Switzerland ah, mid Barcelona ah iyo laba Tenerife ah – halka uu ku galgashay woqooyiga Talyaaniga.

Talyaaniga oo Jimcihii xaqiijiyey 6 kiis oo qura  ayaa haatan sare u dhaafaya 322 kiis, iyadoo la cidleeyay suuqyada iyo goobaha la iskugu soo boxo ee magaalooyin ay ka mid yihiin Milano, Bergamo, Venezia iwm.

Waxaa sidoo kale sare kacday tirada geerida Talyaaniga oo haatan mareeysa 11 qof, kaddib markii ay dhimatay haweenay 76-jir ah oo ku noolayd woqooyiga Treviso, oo ka tirsan gobolka Veneto. Cudurka ayaa sidoo kale haatan u gudbey koonfurta Talyaaniga.

Wuxuu sidoo kale horay u gaarey dalal ku yaalla Bariga Dhexe, gaar ahaan Iiraan, Ciraaq iyo dhowr dal oo ku yaalla Khaliijka.

Ilaa iminka in ka badan 80,000 oo kiis ayaa dunida laga diiwaan geliyey, halka ay geeridu mareeyso 2,700 oo u xijaabtey cudurkan oo dadka ugu dhacaya sida qaar jeexa.

Hadalsame Media