QM oo ka caga jiidaysa inay u ducayso xeer ay meel marisay DF Somalia

0

(New York) 25 Feb 2020 – Ergayga gaarka ah ee QM ugu qaybsan Somalia, James Swan, ayaa ka digey inay sii yaraanayso rajadii laga qabey in la qabto doorasho qof iyo cod ah, maadaama aanu weli jirin wada xaajood ay isku fahmayaan hoggaamiyeyaashu marka la eego xeerka doorashooyinka, sida uu yiri.

Swan oo shalay la hadlayey Golaha Amaanka ayaa sheegay in tiiyoo la ansixiyey xeerka doorashooyinka oo loogu tala galay in awoodda dib loogu celiyo shacabka, si khilaafsan qaabkii hore ee ay doorkan lahaayeen odayaal dhaqameedku, misna wax badan loo baahan yahay kahor doorashada 2020.

“Waloow ay tani tahay tillaabo muhim ah, sharcigan cusubi si laga shallaayi karo, kama hadlayo su’aalo badan oo soo taagan oo muhim u ah dhaqan gelintiisa,” ayuu yiri Swan.

“Su’aalahaa waxaa ka mid ah meelaha laga dhigayo goob doorashooyinka, sida loo damaanad qaadayo qoondada 30% ah ee haweenka iyo sida loo suuragelin karo qaab ay Soomaalida dalka oo idil uga qayb qaadan karto.” ayuu daba dhigay.

MW Somalia ayaa sharcigan saxiixay kaddib markii uu soo dhaafay labada aqal, balse waxaa diiddan madaxda maamullada qaarkood, tiiyoo ay jirto inay labada aqal wakiillo ku leeyihiin, arrintaasoo abuurta su’aalo ku saabsan habka uu u shaqeeyo federaalka la sheegay in Somalia lagaga dhaqmo oo dib u dhigaya midnimada qaran iyo hab-socodka qorshaha siyaasadeed ee dalka.

Maraykanka ayaa beri dhowayd DF iyo maamullada ugu baaqay inay wada hadlaan, si horay loogu socdo.

Hadalsame Media