Sucuudiga, Imaaraadka & Khaliijka oo gabdho masaakiin ah looga soo raro Bariga Afrika (Qaar la qabtay & waxa loo wadey)

0

(Nairobi) 24 Feb 2020 – Waaxda Dembi Baarista Kenya ee DCI ayaa 11 qofood oo Kenyan ah oo ay da’doodu u dhaxayso 23-ilaa 30 sano kasoo badbaadisey xaafadda Ushirika Estate oo ka tirsan Eastleigh kuwaasoo qaab addoonsi oo kale ah loogu dhoofinayey dhanka Bariga Dhexe.

Laba qof oo shisheeye ah oo lakala yiraahdo Thabit Hanni Yaseen Radman iyo Faren Yassin Radman ayaa sidoo kale gacanta lagu dhigay, kuwaasoo ku eedaysan inay yihiin maskaxda ka dambaysa tahriibinta dadkan, iyadoo la baarayo xaafado ka ag dhow goobta dembiga si dad dheeraad ah looga raadiyo, sida ay sheegtay DCI.

Dadkan Kenyan-ka ah oo gabdho ah ayaa la sheegay in loo wadey shaqooyin ay ka mid yihiin adeegto, daliigis iyo dhillaysi, waxaana la gayn lahaa Yurub, Maraykanka, Koonfur Bari Aasiya iyo Bariga Dhexe.

Saudi Arabia, Lubnaan, Kuwayt, Qadar, Imaaraadka iyo Cumaan ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee hablahan la geeyo, kuwaasoo laga kala keeno Kenya iyo dalal kale oo ku yaalla Bariga Afrika.

Hadalsame Media