DHEGEYSO: Sweden oo malaayiin doollar ugu deeqday la dagaallanka Coronavirus (Dalalka saboolka ah oo ka faa’iidaysan kara)

0

(Stockholm) 24 Feb 2020 – Sweden ayaa 40 milyan oo karoon ugu deeqday Hay’adda Caafimaadka Adduunka ugu qaybsan Qaramada Midoobey ee WHO si ay wax uga qabato gurmadka dalalka uu liito daryeelkooda caafimaad ee ay kaga hortegi karaan faafista cudurka laayaanka ah ee coronavirus ee asal ahaan ka dillaacay magaalada Wuhan ee dalka China.

Wasiirradda Arrimaha Bulshada, Lena Hallengren (S) iyo Peter Eriksson (MP), oo ah Wasiirka Iskaashiga iyo Deeqaha Caalamiga ah, ayaa shir jaraa’id kaga dhawaaqay inay Sweden 40 milyan oo karoon ku bixinayso dadaalka caalamiga ah ee lagu xakamaynayo cudurka coronavirus. Wasiir Eriksson oo shir jaraa’id qabtay ayaa isaga oo arrintaa ka hadlaya wuxuu yiri:

– Iminka waxaannu dagaal toos ah ku qaadaynaa kiisaska degdegga ah ee Covid-19, taasoo ka dhigan in aannu taageerno sanduuqa maareeya xaaladaha deg degga ah ee Hay’adda caafimaadka Adduuunka, ayuu yiri Peter Eriksson.

Saakadii hore, Maanta oo Isniin ah, waxaa shir jaraa’id oo aan caadi ahayn isna magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ku qabtay, Guddoonka musiibooyinka ugu qaybsan Midowga Yurub ee Janez Lenarcic kaasoo Midowga Yurub u jeediyey inay diyaariyaan lacag dheeraad ah oo dhan € 230 milyan oo euro – taasoo u dhiganta SEK 2.5 bilyan oo karoon – si loogula tacaalo cudurka coronavirus.

114 milyan oo lacagtaasi ka mid ihi waxay aadaysaa dhanka Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo u baahan kharash dheeraad ah. Halka ilaa 100 milyan loo qoondeeyay daraasado lagu raadinayo tallaal iyo dawayn cudurkan wax lagaga qabto.

Hadalsame Media