DHEGEYSO: Maraykanka, Britain & qarreennada oo isku haysta Julian Assange (Maanta oo la maxkamadaynayo)

0

(London) 24 Feb 2020 – Waxaa maanta magaalada London ka bilaabmaysa dacwad ka dhan ah asaasaha Wikileaks ee Julian Assange, kaasoo haddii la go’aamiyo in loo dhiibo Maraykanka halis ugu jira in gorodda loo suro xabsi gaaraya 175 sanadood, isagoo Maraykanka ugu eedaysan inuu faafiyey dokumentiyo sir qaran ah.

Yeelkeede, Anthony Hanratty oo ah qarreen ku takhasuday arrimaha dhiibista ayaa ku doodaya in kiiskan Assange ka dhanka ihi uu yahay mid siyaasadaysan.

“Qarreennada Assange waxay u baahan yihiin inay cadayn karaan in dhiibistani ay siyaasadaysan tahay si ay u hor istaagaan in Maraykanka loo dhiibo,” ayuu yiri Anthony Hanratty.

Xeerka isu gudbinta dembiilayaasha ee u kala dhigan Britain iyo Maraykanka ayaa waxaa ku qoran in aan qofka la dhiibaynin haddii uu ku eedaysan yahay dembiyo siyaasadeed, ha yeeshee, qarreennada Maraykanka ayaa ku doodaya in Assange loo haysto ‘’ku xad-gudubka ama faafinta sir qaran,’’isagoo u dhacay kombiyuutarrada Dowladda dhexe ee Maraykanka.

Dood kale waxay ku saabsan tahay walaac ku saabsan sida Assange loogula dhaqmi karo xabsiyada Maraykanka iyo in aanu heli doonin maxkamadayn caadil ah. Hanratty ayaa markale eegaya hal sabab oo horayba u hor taagnayd in Assange loo gudbiyo Maraykanka.

“Qarreennadu waxay ku doodi doonaan in Assange loola dhaqmi doono si ku xadgudbaysa xuquuqdiisa aadmiminimo,” ayuu yiri Anthony Hanratty.

Dhanka kale, waloow ay dacwadda ku saabsan dhiibista Assange ay maanta bilaabmayso, misna waxay u badan tahay inay u gudubto Maxkamadda Sare ee Britain, taasoo ka dhigan inay sanado dhowr ah qaadan doonto in ugu dambayn la ogaado in Assange Maraykanka lagu wareejinayo iyo in kale.

Asaasaha Wikileaks, Julian Assange, ayaa sidoo kale loo haystaa inuu kufsaday haweeney Swedish ah xilli uu booqasho ku yimid Sweden sannadkii 2010-kii, taasoo iminka codsatay in dacwaddeeda dib loo furo.

Assange ayaa u cararay dalka Ingiriiska isaga oo ku dhuumaaleysanayay safaaradda Ecuador ee magaaladda London inta u dhaxeysay 19 Juun sannadkii 2012 ilaa 11 Abriil ee sannadkan 2019-kii.

Hadalsame Media