CABSI: Cudurka coronovirus oo faraha ka sii baxaya + Sawirro (Who oo hal arrin diiddan)

0

(Geneva) 24 Feb 2020 – Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa weli diiddan inay ku dhawaaqdo inuu cudurka coronavirus uu yahay mid dunida ku noqday xasarad caafimaad oo rasmi ah, tiiyoo ay jirto inuu cudurku ku faafay Iiraan, Talyaaniga iyo South Korea.

Dr Tedros Adhanom oo ka hadlayey xarunta WHO ee Geneva, ayaa qiray in kororka COVID-19 uu 24-kii saacadood ee tegey ahaa mid ‘si qoto dheer u walaacinaya’ balse wuxuu diidey inuu ku tilmaamo fara ka bax – oo ah tibix loo adeegsado cudurrada si caalamiyan ah loo xakamayn waayo.

WHO ayaa bishii hore sheegtay inuu cudurku yahay xaalad deg deg ah oo caalami ah, kaasoo ah heerka ugu sarreeya ee ay ilaa haatan ku tilmaantay.

Yeelkeede, waxaa sii kordhaysa cabsiga laga qabo inuu cudurku uu horraanba gaarayo heer fara ka bax ah, maadaama la xaqiijiyey ilaa 80,000 oo kiis iyo 2,600 dhimasho.

Dhanka kale, suuqyada saamiyada ayaa isku dhex yaacay kaddib markii geeri laga soo sheegay dalalka  Iiraan iyo Italy halka Afghanistan, Ciraaq, Kuwayt, Baxrayn iyo Cumaan ay wada xaqiijiyeen kiisaskii ugu horreeyay.

WHO ayaa xaqiijisey inuu cudurku haatan gaarey ilaa 26 dal oo Aasiya u badan.

Hadalsame Media