Waxaa maalintii 3-aad oo xiriir ah xiran ganacsiga Gaalkacyo + Sawirro

0

(Gaalkacyo) 22 Feb 2020 – Waxaa maalitii 3-aad oo xiriir ah xiran inta badan ganacsiyada magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhanka woqooyi ee uu ka arrimiyo Maamulka Puntland.

Sida aannu kasoo xiganney weriyaha maxalliga ah ee Siciid Nadaara, waxaa xiristani salka ku haysaa canshuur dheeraad ah oo ay ganacsatada kusoo rogtey Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Ganacsatada ayaa canshuurtaasi oo ay sheegeen inay dheeraad ku tahay dhowr canshuur oo kale oo ay horay u siinayeen Maamulka iyo maamulka degaanka Gaalkacyo isla markaana aanay bixin karin.

Ganacsiga dhanka koonfurta Gaalkacyo oo ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa si saaxi ah u kala socda, sida aannu ka heleyno isla magaaladaasi.

Hadalsame Media