Sidee FOREX uga faa’iidaysan kartaa adigoo aan ku fashilmin (Akhri afartan qodob)

0

(Hadalsame) 21 Feb 2020 – Waxaannu horay u qornay digniin ku saabsan Forex oo ay dhallinyaro badani ku yaacday, balse markan waxaan idiin haynaa talooyin aad uga faa’iidaysan karto, adigoo iska jiraya inaad ku fashilanto.

1 – Forex isticmaal, balse waa haddii aad adiga Forex aqoon uleedahay, lacagtaadana aad adiga maamulan karto, laakiin marnaba ha iska aaminin dad ganacsiyo furtay, kuna oranaya noo dhiib lacagtaada intaasoo faa’iido ah ayaad heleysaayee. (Marnaba ha aaminin dadkaas).

2 – Haddii aad Forex isticmaaleysidna, marnaba Forex ha gashan lacag aadan ka samri karin ama qasaareheeda aadan ka kici karin, lacagta aad Forex gashatay haddii aad wax ka faa’idid waa mahad Alle, balse haddii aad lacag qasaareysid ama ku qamaareysid mid dhumisteeda aysan dhabar jab weyn kugu eheen ha ahaato.

3 – Dhul, Beer, Ganacsi iyo Hanti kaloo weyn oo aad leedahay haddii ay jiraan marnaba hantidaasi haku bedelan Forex, weliba Forex-ka aadan aqoonta u leheen ee midka dadka shirkadaha Forex-ka furtay loo dhiibto ah.

4 – Marnaba yaanan lagaa dhidhicin ganacsi iyo howl faa’iido keliya leh ayaa jirto, ku tasho ganacsi walba qasaare inuu yeellan karo, Maalgashiga Forex-na kaba sii daran.

Waa talo uun, fikirkaaga iyo lacagtaadana xor baad u tahay marwalba.

Waxaa Isku Duwey: Axmed Kediye

Hadalsame Media